top of page

WAA MAXAY TIROKOOBKU?  

BeCounted-Website-STANDUP-24.png

 DAYS TO COUNT! 

Tirokoobku waa sida ay dawladdu ku ogaato tirada dadka ku nool wadankaan. Sharciga Tirokoobka wuxuu Madaxweyne George Washington iyo kuwo kale saxiixeen taariikhdu markay ahayd March 1, 1790. Tirokoobkii ugu horreeyey waxaa la qabtay August 2 isla sanadkaas. Iyadoo uu maamulayo Wasiirkii Arrimaha Dibedda Thomas Jefferson ayaa Tirokoobkaas waxaa laga hirgeliyey 13 gobol iyo dhulalkii Kentucky, maine, Vermont iyo Dhulkii Koonfur Galbeed (Tennesee). 

MAXAY TAHAY FAA’IIDADA KUUGU JIRTA KA QEYBGALKA TIROKOOBKA?

Akhbaarta lagu soo ururiyo tirokoobka ayaa lagu saleeyaa waxyaabo badan. 

 

Waxyaabahaas kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah: Some of the most important are:

Lacagaha dawladdu kharashgareyso 

Waxay dawladda dhexe Tirokoobka ku saleeysaa kharash gareynta lacag ku dhow $589 bilyan oo doolar taasoo ay ku jirto $15 bilyan oo doolar oo beelaha Minnesota la siiyo. Halkii qof oo aan tirada lagu darin waxaa lagu waayi karaa $15 kun oo doollar 10 ka sano ee soo socda taasoo saameyn ku yeelan karta horumarinta xaafadaha, xanaanada carruurta, kaabayaasha dadweynaha, caafimaadka iyo waxyaabo kale oo badan.

 

Matalaadda kongereeska  

Tirokoobka waxaa lagu saleeyaa inta qof ee gobol kasta u meteli karta kongereeesa Aqalka Wakiilada “U.S. House of Representatives” iyo sidoo kale barlamaanka gobolka iyo gudiga degaanada. Tani waxay ku tusinaysaa sida qoondeynta dhaqaalahu ugu xirantahay tirokoobka.  

 

Qorsheynta 

Tirokoobka waxaa lagu saleeyaa qorsheynta wadooyinka, iskuulada, isbitaalada, meelaha waayeelka lagu xaneeneeyo iyo caafimaadka deg-dega ah ee ay u baahan yihiin dadweynaha kala duwan. 

 

Ganacsiga  

Tirokoobka waxaa lagu saleeyaa caawinta ganacsiga si ganacsatadu u ogaato meesha ay ka dhisayaan warshado, dukaamo iyo sidii u qoran lahaayeen shaqaale, cilimbaarisna ugu sameyn lahaayeen baahida suuqa ganacsiga.  

MACLUUMAAD NOOCEE AH BAA

LAGU XUSAA TIROKOOBKA? 

BeCounted-Website-censusform-19.png

Ujeedada Tirokoobku waa in la ogaado tirade dadka ku nool Meraykanka taariikhdu markay tahay April 1, 2020. Foomamka tirokoobka waxaa boostada loogu diri doonaa guri kasta oo ku yaal Mareykanka. Qofkasta oo gurigaas ku nool waa in tirade lagu daro. Waana in la sheego midabka, da’da, jinsiyadda iyo xiriirka ka dhexeeya qofka foomka buuxinaya iyo dadka gurigaas ku nool. 

MAXAA DHICI KARA HADII AADAN BUUXIN FOOMAMKA TIROKOOBKA?

Tirokoobku wuxuu xaqiijinayaa jiritaankeena. Hadii aan lagu tirin, xisaabta kuma jirtid. Hadii aadan xisaabta ku jirin macnaheedu waa inaadan helayn wixii uu dadkaagu xaqa ugu lahaa dawladda. Ka qeybgalkaaga Tirokoobku waa mid muhiim ah. 

bottom of page